Manchester United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaallami doonaan saxiixa Thomas Muller marka la gaaro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Xiddiga reer Jarmal ayaa u muuqda midka ugu horeeya ee fadhiya kursiga keydka xilli ciyaareedkaan, iyadoo saxiixa cusub ee amaahda ah Philippe Coutinho uu kaga horeyo booska weerarka.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Muller uu ku jahwareersan yahay waqti yare e la  cayaarsiiyo waxana uu doonaya inuu ka tago Allianz Arena bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United iyo Liverpool ayaa isku deyaya inay ka faa’ideystaan xaalada jahwareersan ee weeraryahanka marka uu furmo daaqada kala iibsiga.

United ayaa si aad ah ugu baahan inay weerarkeeda xoojiso ka dib markii ay ku guuldareysteen inay bedelaan boosaska labada weeraryahan ee Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.

Liverpool, dhanka kale, waxay horey u doonayeen Muller, iyadoo Jurgen Klopp lagu soo waramayo inuu sameeyay isku day aan lagu guuleysan oo uu kula soo saxiixan karay sanadii 2017.

BANDHIGA-MEDIA

MUQDISHO SOMALIA