Jose Mourinho ayaa u sharaxan Borussia Dortmund inuu qabto macalinkooda cusub, kooxda ayaana xiriir joogta ah la leh isaga, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Jarmalka.

Mourinho ayaa isha ku haya inuu ku soo laabto maamulka, waxaana Dortmund ay noqon kartaa dookh soo jiidasho leh, madaama ay si joogto ah uga soo muuqdaan Champions League isla markaana ay ku faantaa xiddigo ay ka mid yihiin Jadon Sancho, Marco Reus iyo Paco Alcacer.

Mourinho ma uusan ku shaqeynin macalinimo tan iyo markii shaqada laga ceyriyay Manchester United sanadkii hore, laakiin wuxuu durbaba baranayaa ku hadalka Jarmalka, sida laga soo xigtay Bild.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in Mourinho uu yahay dooqa 1-aad ee kooxda Dortmund si uu u badalo Lucien Favre, oo ay kooxdiisu bilow wanaagsan sameysay xilli ciyaareedka iyadoo la aminsan yahay inay ugu cadcad yihiin inay ku guuleystaan Bundesliga ka hor kooxda awoodda badan ee Bayern.

Mourinho ayaa durbadiiba xiriir la sameeyay Hans-Joachim Watzke, madaxa fulinta Dortmund, laakiin Bild ayaa sidoo kale soo jeedineysa in tababarihii hore ee RB Leipzig Ralf Rangnick inuu noqon karo ninka shaqadaa qaadan kara.

Waxaa loo maleynayaa inuu Mourinho ubaahan yahay inuu dhimo mushaharkisa aadka u badan marka la barbar dhigo mushaharka uu qaato ee 24 milyan ginni sanadkii.

Dortmund ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee Bundesliga ka dib sideed kulan, iyagoo badiyay afar seddexna barbaro galay. Kooxda Favre ayaa laga badiyay kaliya hal jeer horyaalka ilaa iyo haatan.

BANDHIGE-MEDIA

MUQDISHO SOMALIA