DFS oo dhaqaalihii ugu horreeyay ka heshay shidaalka

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kaddib dhaqaale ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.

Iyadoo sanadihii dambe dowladdu ay ku hawlaneyd sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhowaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la eg yahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlay BBC-da ayaa hoosta ka xariiqay in dadaallo ay sameeyeen madaxda wasaaradda kuwaasoo ku qotoma soo celinta xiriirka shirkadaha ku lugta leh arrimaha shidaalka iyo kuwa maalgashiga sameysta arrintaasi lagu guuleystay.

Waxaa uu sheegay in shirkadaha  lagu qanciyay in  lagu leeyahay ijaarka xirmooyinka ay haystaan.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta ijaarka xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.

“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.

Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Heshiiskani dowladda ay la gashay shirkadaha shidaalka ayaa ah mid ay ka madaxbannaan yihiin dowlad goboleedyada dalka ka jira intooda badan.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaana ka soo horjeestay ansixinta sharciga Patroolka oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka maray waxaana maamulladaasi ka mid ah Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya