Ciidamada Difaaca Turkiga ee howlgallada kawada Waqooyiga Syria kuwaa oo garab ka helaya ciidamada qaranka ee Suuriya ayaa kala wareegay magaalada Ras Al Ayn kooxaha kurdiyiinta ee PKK/YPG, sida uu sheegay wasiirka difaaca Turkiga.

Sida uu sheegay wasiirka howlgallada ayaa si dardar leh ku socda iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigayaan marka hore aagag dagaal iyo xaafado horleh kuwaa oo u suurageliyay iney horay u socdaan.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in gool ay soo hoyiyeen duqeymaha habeenkii kuwaa oo wasiirka xusay in lala eegtay saldhigyo ay gacanta ku heyso kooxda.

Weerarada cirka iyo dhulka ee Turkiga kawada Waqooyiga Syria waxaa uu sheegay inuu ku dilay ku dhawaad 500 oo kamid ah   dagaalyahanada kooxaha kurdiyiinta.

Muuqaal uu sii deeyay Telefishinka Turkiga ayaa laga arkayay ciidamada oo garab ka helaya kuwa Syria oo la dagaalamaya Kurdiyinta, laakiin Kurdidu waxey sheegeen iney joogaan qeyb kamid ah magaalada Ras-Al-Ain.

Dagaalka ayaa galay maalintiisii Afaraad waxaana qorshaha xiga ee Turkiga uu yahay inuu la wareego magaalada Tel Abyad oo 75 Miles kaga began koofurta.

U Gaar Ah Bandhiga Media

Mogadishu-Somalia

Tags: