Xulka Soomaaliya oo Guul Muhiim Ah Ka Gaaray Xulka Zimbabwe Kulan Ka Tirsana Wejiga Koowaad ee Isreebreebka World Cup-ka 2022-ka ka Furmaya Qatar

Xulka kubada cagta Soomaaliya aya guul ay u qalmeen ka gaaray xulka kubada cagta Zimbabwe ciyaar xiiso badneed oo ka dhacday dalka Jabuti taaso aheyd wejiga koowaad ee isreebreebka koobka aduunka 2022-ka Qatar ka dhacaya.

Wiilasha Soomaaliya oo ay cayaartan ku cusbaayeen wejiyo cusub oo ka yimi wadama caalamka oo ay qaarkood halkaasi ku dhasheen aya qatay inay Matalan xulka.

Kulankan oo ay Soomaaliya guri ahan ugu ciyaareysay Jabuti ka faaideysatay fursadeeda guriga maadama lugta labad ay boqan doonan guriga Zimbabwe.

Kadib ciyaar loo riyaaqay oo labada dhinac ay si joogta ah isku weerarayeen aya waxa ay Somaaliya wax ka badal ku sameeyeen qaab ciyaaredka,waxana ay kordhiyeen dhanka weerarka.

Daqiiqadii 87aad aya kulankaii ka dhacayay EL Hadj Hassan Guouled Aptidon Stadium waxa sara kiciyay taageraashi halkaasi ku sugnaa xidiga badalka ku soo galay ee Anwar Siid Cali kaaso no 9aad u xirta xulka qaranka Soomaaliya.

Natiijada aya sidaasi kusoo dhamaatay,iyado Somaliya ay markaan guuleysteen cayaartii ka dhacaysay gurigooda,iyado lugta labad ee ka dhici doonta Zimbabwe ay ku beegan tahay 10-ka bishan.

Waa cusub aya u baryay Soomaaliya marka loo fiiriyo guusha,qaab ciyaaredka,isla shaqeynta guud,iyo rogaal celintii cajiibka aheyd,waxana si weyn loo amani kara gool hayaha xulka kaasi shaqa fiican ka qabtay cayaartan.

@BANDHIGA MEDIA

MUQDISHO SOMALIA