Waxa galabta is wajihi doona Zimbabwe iyo Somalia kuwaasi oo ciyaari doona is araga labaad ee isreebreebka World Cup-ka 2022-ka ka furmi doona Qatar.

Lugtii hore Somalia aya guul cajiib aheyd ka gaaraty xulka Zimbabwe,kulan ka dhacay Jibuuti waxana halkaasi libinta ku helay wiilasha badweynta hindiya.

Wiilasha holaca ka shidaya SomalIa aya kaso dhaqaaqay Italy, Canada, USA, Norway, Finland, England, Netherlands iyo Qatar iyo kuwo ka yimi dalkii hooyo , si ay u qabtaan shaqadan wanagsan iyago naftooda u huraya Dalkooda.

Kulankan aya waxa la baasan doona 4:00 Galabnimo iyado ay ka bilaaban doonta magalada harare gegeda ku taala ee National Studium.

Dalka koonfur Afrika waxa ka baxay taagarayaal badan kuwaasi oo ah ganacsatada dalkaasi ku nool iyago gaaray Harare si ay dhiiro galin ugu noqdaan xulka Somalia.

Waxa wax loo riyaaqo noqoneysa in Soomaali badan ay gaaren Zimbabawe kuwaa oo u sacaba tumaya wiilasha Somala.

Marka ad hal tallabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka aya lagu daabacay boga FIFA taaso lagu sheegay dhiiro galinta isniinta oo ay shalay soo dhigeyn bogoda.

Guushii dhaweyd ee soomala ay soo gaareyn aya waxa ay kaga mahad celinayaan dhaliyahooda Anwar kaasi oo madax ku laaday kubada.

@BANDHIGA MEDIA

MUQDISHO SOMALIA