Wadamada Khaleejka Carabta maxey ugu aamusaneen dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Kashmiir?

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kow ka ah wadamada Khaleejka ee ka  gaabsaday in ay ka hadlaan dhibaatada ay dowlada Hindiya ku heyso gobolka  Muslimiinta ee Kashmiir.

Wasiirka arimaha dibada Imaaraadka, Shiikh Abdulaahi Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan iyo dhiggiisa Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr, ayaa safar ku tagay todobaadkii hore magaalada Islamabad.

Xubnahaan ayaa la kulmay taliyaha guud ee milatariga Pakistan Janaraal, Qamar Javed Bajwa, waxaana ay u muujiyeen in garab taagan yihiin.

Diblumaasiyiinta dalalkan ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatada heysata muslimiinta Kashmiir.

Balse waxay ka gaabsadeen in ay ku dhiiradaan dhaleeceynta xukuumada Delhi

Sababaha wadamadan dhaca gacanka Khaliijka aysan ugu dhiiran in Hindiya in ay weerar afka ah ku qaadaan ayaa lagu sheegay in ay tahay dhaqaalaha dalkaasi oo  Kordhaya.

Wadamada Jordan Baxreyn iyo Qatar ayaa dhankooda ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhibaatada ka jirta gobolka Kashmiir.

Hindiya ayaa ka mid ah wadamada macaamilka dhaqaale ee dhanka shidaalka uu kala dhaxeeyo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Taliska Hindiya ayaa horaantii bishii August ee sanadkan ku dhawaaqay in gobalka Kashmiir la go’doomiyay, taa oo sababtay in dadka ay wajahaan nolol mugdi ah, sidoo kale ciidamada Booliska ayaa xadgudubyo kala duwan u geestay dad aan waxbo galabsan oo reer Kashmiir ah.

Ra’isul Wasaaraha Hindiya ayaa markii go’doonka uu geliyay Kashmiir wuxuu ku booqasho ku tagay dalka Imaaradka Carabta wuxuuna la kulmay amiiradda ugu sareeya reer Dubia, iyagoo bilad gudoonsiiyay markii dambe.

Wadamada Khaleejka ayaa noqday kuwa aan inta badan u damqan dhibatada lagu hayo Muslimiinta sida Falastiin, Rihoyinka, Yeman, Syria iyo Kashmiir.

@Bandhiga Media

Mogadishu-Somalia