Somalia Iyo Zimbabwe oo Galabta ku Balansan Kulan ka tirsan Wajiga Kowaad ee Isreebreebka Koobka Aduunka

Xulka Qaranka Soomalia aya la ciyaari doono xulka Zimbabwe kulan ka tirsan isreebreerbka koobka aduunka ee sanada 2022-ka ka bilaaban doona Dalka Qatar.

Kulankan oo ah is araga 1aad ee labada xul aya waxa Soomaliya matali doona xidigo laso diyaariyay kuwaas oo ku cusub xirashada funaanada xulka qaranka Soomaaliya.

Wiilasha cusub aya waxa laga soo kaxeeyay wadamada caalamka,kuwaasi oo doortay inay matalaan xulkooda,iyado ay u cayaarayeen kooxo awood ku leh wadamada ay ku noolaayeen.

Cayaartoyda ku cusub xulka aya waxa ay Jabuuti ugu tageen xidigi magac ku leh ciyaarista xulka iyo horyaalka Dalka.

Waa rajada ugu weyn ee kulan maadama ay soomaaliya hadii ay Zimbabwe natiijo fiican ka kenan ay gaari karayan 26 ka wadan ee ugu sareeya ee ciyaari dono isreeb reebka.

Dhawaan ayay 6 gool ku dhufteen kulan isu diyaarin aha oo ay la cayaren koox ka dhisan jabuuti.

Stade El Hadj Hassan Gouled ayay ka dhici doonta iyado la daawan karo 6-da maqribnimo.

@BANDHIGA MEDIA

MUQDISHO SOMALIA