Ra’isul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Xudur+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar shaqo ku tagay Magaaladda Xudur ee Gobolka Bakool.

Ra’isul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wasiiro, Xildhibaano katirsan Dowladda Federalka, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Ra’isul Wasaaraha ayaa boqolaal shacab ah kula hadlay barxad weyn oo ku taalada Xudur waxaana uu sheegay in Xudur ay kamid tahay deeganada ugu fiican dhul ahaan Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo waxa uu kulan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Buslahada iyo waliba mas’uuliyiinta Xudur iyadoo la filayo in Ra’isul Wasaaraha uu ka hergeliyo Xudur Barnamij waxtar u leh dadka deegaanka.

@Bandhiga Media

Muqdisho-Somalia