Musharax madaxweyne oo cuntada ka soomay isagoo aan xor

Musharax madaxweyne oo cuntada ka soomay isagoo aan xor aheyn!

Nabiil Karooy oo ka mid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Tunisia ayaa bilaabay in uu cuntada ka Soomo.

Siyaasigaan ayaa dalbanaya in xabsiga laga sii daayo, si uu doorashada ugu qeyb galo una codeeyo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 15-ka bishan September.

Ciidanka amniga Tunisia ayaa sadex todobaad ka hor xabsiga dhigay milkiilaha Tv-ga Nissma, waxaana loo heesta lunsiga canshuurta iyo adeegsiga lacagta Madow.

Image result for Nabil Karoui
Waa Nabil Karoui oo xabsiga ku xiran hadda

Rida Bilhaaji oo ah qareenka Nabiil ayaa tilmaamay in uu bilaabay in cuntada uu ka soomo maalintii Arbacada.

Arrintaan wali kama aysan hadlin ciidanka amniga magaalada Tuunis, iyadoo maalinta axada ah dalkaasi ay ka dhici doonto doorashada Madaxtinimo.

Doorashada madaxtnimo ee Tunisia ayaa la filayaa iney dhacdo 15-ka bishan September 2019.

@Bandhiga Media

Mogadishu-Somalia