Javier Hernandez oo Ku Biiray Kooxda Reer Spain ee Sevilla

Kooxda West Ham ayaa xaqiijisay in weeraryahankeeda Javier Hernandez uu si joogta ah ugu biiray kooxda Sevilla heshiis dhan 7.2 milyan ginni.

Xiddiga reer Mexico, oo 31 jir ah, ayaa 17 gool u dhaliyay Hammers 63 kulan oo uu u ciyaaray Hammers laakiin wuxuu hoos u dhac uu soo wajahay  xilli ciyaareedkaan – milkiilaha iska leh West Ham David Gold ayaa u rajeeyay mustaqbal wacan.

Hernandez ayaa haatan ku biiri doona kooxda La Liga ka ciyaarta ee Sevilla iyadoo ay xilli ciyaareed fiican ku qaadanayaan Spain iyo Yurub.

Xiddiga weerarka ka cayaara ee 108-kulan matalay xulka Mexico ayaan ciyaarin tan iyo 17kii Agoosto kadib marki koxidisa ay Barbaro 1-1 ah la gashay Brighton, isago kulankasi  shabaqa soo taabtay.

Tan iyo markaas, West Ham waxay bilaabeen saxiixa rikoorka kooxda ee Sebastien Haller iyo sidoo kale wiilka cusub ee Albian Ajeti kuwaasi oo xidiga uu ka wayay inu boos ka helo.

Waxa uu u soo ciyaaray 2006–2010 Guadalajara 64 kulan waxa uu dhaliyay(26), 2010–2015 Manchester United ayu u ciyaray waxa uu saftay 103 waxana uu dhaliyay37 gool, 2014–2015 waxa uu amah ku aday Real Madrid isago cayaray 23 kulan waxana uu dhaliyay 7 gool, 2015–2017 waxa uu u cayaray Bayer Leverkusen 54 kulan oo u cayaray waxa uu dhaliyay 28 gool, 2017–2019           West Ham United ayu matalayay isago cayaray 55 kulan 16 gool ayuna u dhaliyay,waxa uu markale dib ugu laabtay Spain Sevilla ayuna matali doona

@BANDHIGA CAYAARAHA

MUQDISHO SOMALIA