Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo kulan la qaatay Taliska Ilaalada deegaanka+Sawirro

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha taliska ciidanka ilaalinta Deegaanka.

Cumar Finish ayaa kala hadlay saraakiisha howlaha ay qabtaan iyo waxyaabaha laga doonayo iyadoo kulanka diiradda lagu saaray islaxisaabtan iyo ladagaalanka musuq maasuq.

Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka ayaa kulanka sidoo kale goobjoog ka ahaa.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid Mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee dowlada hoose Xamar isagoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutagrifal.

@Bandhiga Media

Muqdisho-Somalia