Booliska Soomaaliya oo kawar bixiyay shabakad caruurta xadda oo gacanta lagu dhigay

Waxaa maanta ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen shabakad 11 qof ka kooban oo caruurta ka xadayay magaalada Muqdisho.

Zakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in shabakaddan oo ka kooban 11 qof oo ay 8 ka mid ah haween yihiin ay muddo bil ah ku daba jireen islamarkaana gacanta lagu soo dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay in isla shabakaddan lagu qabtay 11 Carruur ah,kuwaas oo ay hadda Booliska hayaan waalidkoodna lagu raadinayo.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween, Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ahaa beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda”  ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka

@Bandhiga Media    

Mogadishu-Somalia