Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa ka hor yimid  magacaabistii guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani uu magacaabay.

War qoraal ah uu soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in madaxweynaha Puntland uusan kala tashan magacaabista guddiga sida ku cad xeerkiisa ayuu yiri, sidaas darteed maadaama aanu wax wadatashi ah igala sameyn waxa magacaabistaasi ka hor imaaneysa dastuurka ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku soo geba-gebeeyey in xeerka Madaxweynuhu ku magacaabey yahy waxba kama jiraan khilaafsan dastuurka Puntland iyo lifaaqa kowaad.

@Bandhiga Media

Mogadishu-Somalia