Kooxaha Liverpool Iyo Chelsea oo Caawa Ku Dagaalami Dona Uefa Super Cup,Maxad Ugu Bahan Tahay Kulankan

Uefa Super Cup ayaa la ciyaari doona caawa iyadoo kooxda ku guuleysatay Champions League ee Liverpool ay kula ciyaari doonto kooxda Chelsea ee ku guuleysatay Europa League garoonka Besiktas Park ee Istanbul.
Fursad weyn ayey u tahay mid ka mid ah labadan koox inay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedkan,kante iyo Alisson aya ugu muhiimsan xidiga ay weeynayaan labadan koox.
Super Cup-ka ayaa hooy u aha kooxaha Isbaanishka ah sannadihii ugu dambeeyay, iyadoo shantii jeer ee lasoo dhaafay ay dhamaantood ka so wada muuqdeen kooxo ka yimid Spain.
Laakiin waxay noqon doontaa, markii ugu horreysay muddo 14 sano ah, inuu u jiheysto dhanka England sannadkan, iyadoo ciyaartan ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay ku tartamaan laba koox oo ka ciyaarta Premier League.
Guud ahaan todobo koob oo Super Cup ah ayaa dhex maray kooxaha ku xafiiltama hal horyaal ama hal wadan – shan jeer waxaa ku lug lahaa kooxo Isbaanish ah, afar jeer oo xiriir ah ayay soo muuqdeen tan iyo 2014, iyo labo ka socotay Talyaaniga.
Waxaa jiri doona arin diiradda la saarayo marka loo qiimeyo qofka dhex dhexadin doona ciyaartaan maxaa yeelay markii ugu horeysay taariikhda, qof dumar ah ayaa garsoore ka noqon doonta ciyaarta ragga waa weyn ee tartamada Yurub.
Stephanie Frappart oo Faransiiska ah oo 35-jir ah ayaa mas’uul ka noqon doonta kulankan waxayna tiri “Aad ayaan u faraxsanahay, runtiina waxay aheyd wax lala yaabo.
“Ma aanan fileynin in la ii dhiibo Super Cup – sharaf weyn ayey ii tahay aniga iyo garsoorayaasha dumarka sidoo kale”.
Taariikh ahaan, si kastaba ha noqotee, kulamada Yurub ee dhexmara labadan koox waxay ahaayeen kuwo aad u adag.
Tani waa markii 11-aad oo ay Liverpool iyo Chelsea ku kulmaan tartan Uefa ah, iyadoo shan ka mid ah kulamadaas ay ku dhammaadeen barbar dhac.
Liverpool ayaa labo guul gaartay seddax kulana waxaa guul gartay Chelsea , iyadoo hal kulan kaliya laga badiyey wax ka badan hal gool.
Koxaha ka cayara Premier League aya horay 8jeer ugu wada ciyaaray garoonka cawa ciyaarta ay ka dhuici doonoto tartanka UEFA Super Cup,halka koxaha Spain ay ku cayaaren 15-jeer,kuwa talyaaniga aya iyagana ku cayaray9-jeer.
Hadii caawa ay Liverpool ku guuleysato waxay ka dhigi doonta inay hantaan markoodii 4aad ee taariiqda tartanka UEFA Super Cup.
Chelsea aya horay u heysatay tartankan iyago qaaday 1998-dii,balse waxay ku guul dareeysteen inay qaadan tartankan labadii jeer ee danbe koxaha Bayern Munich iyo Atletico Madrid.
10-habeenimo aya laga daawan doona soomaliya,iyado uu ka dhici doono Vodafone Park,
SAFAFKA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD.
Liverpool : Adrian, Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Salah, Mane, Firmino.
Chelsea : Kepa, Azpilicueta, Zouma, Christensen, Emerson; Kovacic, Jorginho; Pedro, Mount, Barkley; Abraham.
Bandhiga Media
Mogadishu-Somalia