Halkee ayuu ku dambeeyaa shirkii dib u heshiisiinta Galmudug?

Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana ay ka hadleen halka ay mareyso shaqada iyagoo soo saaray habraaca la xiriira shirka.
Shan Qodob ayey Guddiga shirkjooda ka soo saareen, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.
1: Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
2: Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
3: Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
4: War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
5: Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.
Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan qabsoomida Shirka dib u heshisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.
@Bandhiga Media
Mogadishu-Somalia