EVERTON oo xaqiijisay in Moise Kean uu ku soo biiray kooxda kadib heshiis ay ku kacday Malaayiin Doller

Weeraryahanka reer Talyaani, oo 19 jir ah, ayaa yimid England usbuucii hore si uu u dhammaystiro marista tijaabada caafimaadkiisa ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Toffees.
Kean ayaa lagu arkay isagoo xiran maaliyada kooxda Everton maalmo ka hor markii Marco Silva uu lacagta uu ka helay Idrissa Gueye kuso qaatay xidigan.
Marka uu xaqiijiyay heshiiskisa, Kean ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay waxa sharaf ii ah inaan xirto maaliyada Everton.
Kean ayaa la sheegayaa inuu saxeexay heshiis 5 sano ah oo uu ku qadan doono adduun dhan 50,000-todobaadkii, halka lacagtiisu ay kor u kici karto ilaa 36 milyan oo gini marka lagu daro lacagaha ku xirnaan doona qaab ciyaaredkisa.
Bixitaanka xidigan da’da yare e Kean aya la micno ah in Juventus ay laso saxiixato xidig weerarka kaga ciyaara kaasi loo badinayo inu yahay Romeo Lukaku,oo ay si weyn u doonayan.
Kean ayaa dhaliyay lix gool oo Serie A ah 13 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore laakiin wiilka sedexda kulan u xulka qaranka Italy ayaa hal sano uga harsaneed qandaraaskiisaInkasto uu diiday inu saxiixo heshiis dheeri ah hadana Juventus ayaa ku qasbanatay inay iibiso.
Kooxda Everton aya diiday dalab ka yimid Juventus oo aha in heshiiska lagu daro inay dib ula soo saxiixan karan xidiga.
Juventus waxay dalbaden in lagu so wargaliyo markasta oo xidiga uu dalab ka helo koox kale ama la iibinaayo,iyadoo Toffees ay ogolaatay inay ogeysiiso Juventus dalab kasta oo u yimaada weeraryahanka.
@Bandhiga Media.
Mogadishu-Somalia