Arsenal oo dooneysa Philippe Coutinho oo dhawaan koox ay la wareegtay

Arsenal ayaa lala xiriirinayaa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo Philippe Coutinho maalmo un ka dib ay la soo wareegtay Nicolas Pepe.
Madax ka socota kooxda Arsenal ayaa lagu wadaa inay la kulmaan masuuliyiinta Barcelona si ay ugu hellan heshiiska amaahda ee xiddigii hore ee Liverpool Philippe Coutinho, sida ay sheegayaan wararka.
Gunners ayaa axada la ciyaari doonta kooxda Barcelona koobka Joan Gamper Trophy ciyaar ka dhaceysa garoonka Camp Nou, wadahadalada ayaa dhici doona inta ay socoto ciyaarta.
Coutinho ayaa 142 milyan ginni ugu soo biiray Barcelona dabayaaqadii 2018 laakiin waxa uu ku dhibtooday inu laqabsado kooxda reer Spain waxaana uu wajahayaa mustaqbal mugdi ah.
Kooxda Barcelona ayaa u furan fikirka ah in xidigan reer Braziil amaah lagu fasaxo xilli ciyaareedka cusub, waxaana Arsenal ay u muuqata in ay si lama filaan ah eek u heli kareyso xidiga sida lagu daabacay wargeyska Isbaanishka ee Sport.
Madaxa cayaaraha ee kooxda Gunners Raul Sanllehi ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wadahadalada si ay ula soo wareegaan Coutinho.
U dhaqaaqista xiddigii hore ee Liverpool ayaa imaaneysa maalin uun ka dib markii Arsenal ay xaqiijisay saxiixoda qaaliga ah Nicolas Pepe kasi oo ay 72 milyan ginni kala soo wareegeen Lille.
@Bandhiga Media
Mogadishu-Somalia