Wasiirkii hore ee arrimaha gargaarka iyo muusiibooyinka xukuumadda Soomaaliya DRs. Maryan Khaasim ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ku geedaaman gabdhaha Soomaaliyeed xilligaan.

Waxa ay sheegtay in hooyooyinka markii ay gaaraan waqtiga foosha ay adag tahay in ay helaan adeeggii caafimaad oo ay u baahnaayeen.

Waxa ay Maryan tilmaantay in ay jiraan gabdho badan oo adeeg yari caafimaad u geeriyooda, kuwaasoo ay hoosta ka xariiqday in ay muhiim tahay in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Maama Maryan ayaa tusaale u soo qaadatay dowlad goboleedka Puntland oo ay sheegtay in degaannada ka fog laamiga ee miyiga ay ku dhibtoodaan haweenka markii ay gaaraan xilliga dhalmada carruurta.

Hay’adaha Qaramada Madoobe, dowladda Soomaaliya iyo maamullada in ay ka wada shaqeeyaan sidii gabdhaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyada caafimaad xilliga foosha ay soo jeedisay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya