Ereyga Gudniinka Fircooniga Miyuu Dhab Ahaantii Soo Saarayaa Turjubaanka Saxda ah ee Gudniinka FGMka ?

Gudniinka FGMka ee lagu jarjaro xubnaha dumarka waa fal sababa waxyeelo baahsan jiilal badan oo gabdhaneena kamid ahna saameen weyn nooloshaado kuyeeshay.

Isku day iyo dadaallo badan oo lagula dagaallamay falkaan halista ah manoqonin kuwa miro dhal ah.

Ma istiri jilicsanaanta ereyada ama magaca soomaalida ay kutilmaanto ficilkani (Gudniinka Fircooniga) in uu qeyb ka yahay in dadkeenu ka dhigtan taan mid caadi ah oo aan suulin.

Ereyga Gudniinka Fircooniga miyuu dhab ahaantii soo saarayaa turjubaanka saxda ah ee gudniinka FGMka ee loo geysta gabdhaha?

Miyuu magacaan dhab ahaantii muujinayaa sifooyinka xun ee uu ficilkaani ka koobanyahay?

Nala wadaag ra’yigaaga ama magac ku haboon oo lagu tilmaami karo ficilkani si loo soo bandhigo oo loo sharaxo khatarta uu bulshada kuhayyo.

Waa maxay soo jeedintaada?

 

BandhigaMedia